Baro 3 Farsamo oo Muhiim ah
Tiknoolojiyada casriga ah waxay sahal ka dhigtay nolosha aadanaha. Si gaar ah waxay bahda waxbarashada utahay shay muhiim ah sina looga maarmin. Tiknoolojiyada waxay ardayda ka caawisaa inay helaan ama bartaan xirfado muhiim ah marka aan joogno qarniga 21-aad iyo qarniyada soo socadaba. Tiknoolojiyada waa sidii seef laba afle ah oo kale waxay leedahay saameyn wanaagsan iyo mid xunba balse waxay ku xerantahay hadba sida qofka u isticmaalo.Waxaan rabaa inan mowduucan uga hadlo 3 farsamo oo muhiim ah oo laga yaabo inay ka war qabaan ama aysan ka war qabin ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadaha ama iskuulada dhigta si lamid ah markaan Jaamacada ka baxay. Waxay kala yihiin sida hoos ku xusan:
The Economist
The economist waa website muhiim ah oo qofka ka daalacan karo ama kala socon karo wararka la xiriira dhaqaalaha, tiknoolojiyada, siyaasada iwm. Waxaa lamid ah websiteka kale ee asna muhiimka ah ee loo yaqaano forbes. Si gaar ah waxaan ardayda jaamacadaha ee barta dhaqaalaha, xisaabadka ama maamulka iyo maareynta ku boorinayaa inay mar booqdaan ama markastaba booqan karaan sababtoo ah waxaa ku jiro erey bixinada dhaqaalaha A ilaa Z (economic terminologies from A-Z). Micnaha hadaan sii sharaxo waxaan ula jeeda erey bixin kasta ee A ka bilaabata ee dhaqaalaha la xiriira ayuu kuu sheegaya kadibna B kadibna C ilaa Z. Waxaan is leeyahay ardayda wuu caawinayaa.
Google Docs
Google documents waxaa markii igu horeysay iga caawiyay inan ku baraarugo Somali Public Agenda oo markaas aan blog writing training ku qaadanaayay. Aad ayaan uga mahad naqayaa. Waa sababta loo dhaho markasta oo qofka aqoonta raadiya waxbaa u kordha. Adoo is leh wax badan baad taqaanaa ayaa hadane waxyaabo fudud oo muhiim ah kaa maqnaan karaan. Google documents wuxuu kaa caawinayaa inaad ku xirato gmail kaga ama emailkaaga kadibna aad meesha wax ku dhex qoran kartid si online ah. Word inaad wax ku qorto uma baahnid waxaana ka fiican inad isticmaasho google docs sababtoo ah:
- Google docs wuxuu kaa caawinayaa inaadan data (xogta) kuu keedsanaato oo aadan data loss kugu dhicin maadamaa online uu yahay si automatic ahna isu save gareynayo (autosave). Uma baahnid inad walwasho markuu laptop-ka kaa damo si lama filaan ah ama korantada guriga ama xafiiska kaa tagto si lama filaan ah.
- Goob kasta oo aad joogto datada (xogtaada) waad heli kartaa hadiiba internet aad heli karto waayo waa online.
- Hadii aa tahay shaqaale ama arday ama cid kasta ahow, Google docs dhexdiisa waxaa ku diyaarsan templates badan oo qofka u fududaynaya in shaqadiisa si dhaqsa leh ku qabsado. Slides ayaa kujiro oo loogu talagalay presentations (wax soo jeedinta), foomam (forms) ayaa ku jiro, excel sheets oo ku diyaarsan waxyaabo badan oo kamid yihiin invoices (qaan-sheegad), attendance sheet iyo kuwa badan. Waxaa kaloo kujiro docs kamid yihiin resumes, letters iwm. Kaliya waxaad u baahantahay inaad ku dabaqdo baahidaada.
Grammarly
Grammarly sidoo kale waxaa fahamkeeda iga saaciday SPA. Grammarly waa website kaa caawinaya qoraalka inuu kaa saxo gaar ahaan grammatical errors. Si guud waa website kaa caawinaya in qoraalkaga uu noqdo mid sax ah qaladna kujirin (free from error). Grammarly wuxuu leeyahy qayb free ah iyo qayb paid version ah (premium). Midka free-ga ah ayaaba ah mid kugu filan. Websiteka wuxuu muhiim u yahay qof kasta oo raba in uu wax qoro waliba luuqada Ingiriiska (English) maadaama luuqada ingiriiska uusan ahayn luuqada 1-aad ee dadyow badan oo caalamka ku nool. Ka dhigo wehelkaaga dhamaan kuwa aan soo sheegay iyo kuwa kaloo badan. Waxaan rajaynayaa in qormadaan ay kuu noqoto mid wax ka bedesha noloshaada.
Dhamaad
Published by Sadam Isak Hassan
5 comments on "Baro 3 Farsamo oo Muhiim ah"
Leave a comment Cancel Reply
Sadam Isak Hassan
Vivid Reader | Professional Somali Blogger | Interested in Research, Personal Development, Book Reviews, Tech News, Fin Tech, Banking & Insurance
Recent Posts
- Baro 3 Farsamo oo Muhiim ahby Sadam Isak Hassan
- Fashilka Bangiyadaby Sadam Isak Hassan
- Xikmada iyo Quraanka!by Sadam Isak Hassan
Wlhi waan la dhacay sida wacan ee aad xogtaan inoola wadaagtey ustaad, mahadsanid.
Website-yadaan aad nala wadaagtey 2 kamid ah waan iscmaalaa waxaana igu cusub kuwa ka hadlaya arimaha dhaqaalaha.
Mohamed Adan
Mohamed,
Aad iyo aad saxiib. Mahadsanid
Sadam Isak Hassan
I like this information
Mohamed Abdi Ali
Dear Mohamed,
Thank you very much. Hope the information will be helpful for you all. InshaAllah
Thanks
Sadam Isak Hassan
Sadam isak waad mahadsantahay ustaad ,warkaaga waan waayeey m,asheenbaad joogtay.
Shugran sxp dedaalkaaga waad ku mahadsantahay
Abshir murtiile