Fashilka Bangiyada

Share this:
Bangiyada fashilma
Bangiyada fashilma

10. 

Waa imisa inta bangi ee aad u baahan tahay inaad xiriir la lahaato si aad uga badbaado hubanti la’aanta maaliyadeed (financial turmoil)? Ma 10-baa?. Maya ma ahan 10. Wadanka mareykanka waxaa dhowaanahan ka dhacay fashil bangiyadeed (bank failures) oo dadka ku reebay wal-wal. Sababtaas awgeed dadkii waxay bilaabeen inay isku dayaan sidii ay u fahmi lahaayeen waxaa laga yeeli karo khatarta ka iman karto hadii uu bangi fashilmo amaba suuqa ka baxo (Bankruptcy). Fashilka bangiyada qofkasta ayay saameyn kartaa. Sanadkii 2000, mareykanka waxaa la diiwaangaliyey 565 bangi waana mareykanka kaliya. Mareykan waxaa ka dhacday dhibaato dhaqaale (financial crisis) oo lagu tiriyo kuwa ugu xun. 

In kastoo sanadkii 2009-kii tiradaas hoos udhacday isla dalka mareykanka, hadana waxaa meeshaas laga bartay cashar ah khatarta ay leeyihiin bangiyada marka laga fiiriyo fashilka ku imaan kara sabab kasta ha keentee iyo waxyeelada ay geysan karaan bangiyadaas fashilma. Laakiin ha quusan. Hadii aad  noqoto qof xog-ogaal ah, qaaadana taloobiyin feyjignan leh (proactive measures), waxaad yareyn kartaa khatarta ka iman karta hadii bangi uu fashilmo ama uu suuqa ka baxo sidoo kalena waxaad noqoneysaa qof u diyaarsan inuu ka fogaado hubanti la’aanta maaliyadeed.

Waxaan kuu hayaa saddex talaabo oo hadaad raacdo sabab u noqon karta inaad khatarta ka imaanaysa bangiyada aad kaga badbaadin karto lacagtaada waana sida tan hoose:

Lacagtaada Caymis Gali

Talaabada ugu horeyso ee aad lacagtaada ku ilaalin karto waa caymiska. Marka la fiiriyo xaalada Soomaaliya ma arag meel lagu caymiyo lacagaha bangiyada taala mana filaayo inay jirto laakiin caymiska lacagta waa habka koowaad ee qofka ku ilaalin karo lacagta bangiga u taala. Dalka mareykanka tusaale ahaan wuxuu leeyahay caymis waxaana jirto shirkad layiraahdo FDIC- Federal Deposit Insurance Corporation. Waa hay’ad ama shirkad ka shaqaysa cayminta lacagaha bangiyada taala. Qof kasta oo iska diiwaangaliya shirkada ayaana caymiskaas heli kara. Caymiska micnihiisa waxaa waaye, xitaa hadii bangiga uu fashilmo ama suuqa ka baxo lacagtaadii waa kuu badbaadaysaa. Dabacan qofka khidmo ayaa laga qaadaya si uu isaga diiwaangaliyo bil kastana lacag ayuu bixin doonaa. 

Baahi Akoonada Bangiyada

Credit: Forbes
Credit: Forbes

Baahinta (diversification) waa xeer/mabda’a (principle) kamid ah xeerarka maalgashi waana mid aad muhiim u ah markay timaado ama laga hadlayo arimaha la xirira bangiyada. Inaad baahiso lacagaha aad bangiyada dhigato waxay kaa caawinaysaa inaad khatartka yareyso sababtoo ah hadii hal bangi uu suuqa ka baxo micnaheeda waxay tahay bangiyadii kale lacagta kugu jirtay ayaa kuu badbaadi karto. Laakiin hadii hal bangi aad lacagahaaga iskugu geyso dabacan lacagtaas way kaa wada gubanaysaa. Oraah waxaa jirtay oranaysaa “Ukumahaaga oo idil 1 meel/danbiil haku wada ridin” micnaha guud waxa waaye dambiishaas haday wax ku dhacaan ukumahaaga oo dhan waa eber. Sidaas si lamid ah hadii lacagtaada oo dhami hal meel ku wada shubto waxaa suuragal ah in halkaas meel dhibaato ku dhacdo kuna saameyso. Akoonadaada ka kala furo bangiyo kala duwan sidaasna waxaa kaaga yaraan doonta halistii kaaga iman lahyd hadii bangi uu fashilmo. 

Lasoco Badqabka Maaliyadeed ee Bangiga

Si aad uga fogaato khasaaraha ka iman karta marka bangi uu fashilmo ama uu suuqa ka baxo, waxaa aad muhiim u ah inaad la socoto dhaqdhaqaaqa iyo badqabka maaliyadeed ee bangiyada aad lacagta dhigatay si hantidaada kuugu badbaado. Isha ku haay, la soco oo hubi in lacagtaada badqabto markasta. In kastoo bangiyada badankood u muuqan karaan in dhaqaale ahaan ay fiicanyhiin, hadana markasta halis maaliyadeed way jiri kartaa. Si aad ula socoto waxaad fiirin kartaa warbixin maaliyadeeda bangiga (financial statement). Sidoo kale wadamada badankood waxay leeyihiin shirkado qiimeeya heerka bangiga marka laga fiiriyo awoodiisa maaliyadeed (credit rating). Warbixinada shirkadahas soo saaraana waad eegi kartaa si xog uga hesho bangiga iyo sida dhaqaale ahaan u caafimaad qabo. 

Badanaa waxaa la isticmaala waxa afka qalaad lagu dhaho “CAMELS” oo u taagan Capital Adequacy, Asset Quality, Management, Earnings, Liquidity, and Sensitivity to Market Risk. Hanaankaan wuxuu qiimeeyaa inta lacag ee bangigu haysto, tayada hantida maguurtada uu haysto, faa’idada uu bangigu sameeyo, awooda uu u leeyahay iska bixinta deymaha lagu leeyahay iyo siduu ugu nugul yahay isbedelka suuqa ku yimaada.  

Is deji. Xog-ogaal Noqo.Talaabo qaad

Inaad naftaadii difaacdo markii uu bangi fashilmo amaba suuqa ka baxo waa mid kamid ah waxa ugu muhiimsan marka laga hadlayo qorshaynta maaliyadeed (financial planning). Akoonadada bangiga oo aad caymis galiso, akoonadaada oo aad baahiso, iyo lasocoshada dhaqdhaqaaqa iyo badqabka maaliyadeed ee bangigayada waxay kaa caawin doontaa in aad lacagtaada ka badbaadiso khatarta ka iman karta markii bangi uu fashilmo. Isha oo aad ku hayso bangiga lacagta kuu taala, iyo qorshaynta xili hore waxay sidoo kale kuu diyaarin doonta wal-wal la’aanta iyo hubanti la’aanta maaliyadeed ee markasta na haysta..

In kastoo waxyaabaha qaar ee aan halkaan ku xusnay laga yaabo inaysan waaqiciyan Soomaaliya lagu dabaqi karin hadana badankood waa macquul oo waa la sameyn karaa.Si kasta ha noqotee, muhiimada qormadaan ayaa ah inay noqoto buraarujin iyo ka fayjignaanta khatarta ka iman karta fashilka bangiyada oo laga yaabo in badankeena ka war qabin ama aan qorshaha ugu jirin.  

Published by

Vivid Reader | Professional Somali Blogger | Interested in Research, Personal Development, Book Reviews, Tech News, Fin Tech, Banking & Insurance

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Launch login modal Launch register modal