Xikmada iyo Quraanka!
Waa Maxay Xikmadu?
Xikmadu waa shay muhiim ah wuxuuna Alle siiyaa qofkuu doono. Xikmada qofka waa u dhalan karaa, waana wax la kasban karo. Marka aan fiirino ama aan is waydiino qeexitaanka xikmadu leedahay, waxaa laga yaabaa inan helno natiijooyin kala duwan ee lagu qeexo. Alle SWC wuxuu Quraankiisa ku yiri “Qofkii xikmad lasiiyaa waxaa la siieyey khayr oo idil” taas waxay daliil utahay in xikmadu ay tahay khayr, akhlaaq suuban, dhaqan wanaagsan, ixtiraam, iyo aqoon. Marka qofka uu noqdo qof waayo arag ah, aragti fog leh, aqoon leh, qiyaas wanaagsan leh, caqli badan waxaan dhihi karnaa qofkaas waa qof xikmad badan. Qormadaan waxaad uga bogan doontaan xikmada iyo quraanka, faa’idooyinka nolosheena u leedahay iyo waliba siduu Alle quraankiisa ugu cadeeyey xikmada iyo qofkii lasiiya waxa ka dhexeeya.
Alle SWC Suuratul baqarah aayada 269 wuxuu ku yiri “Wuxuu (Alle) xikmad siiyaa qofkuu doono, qofkii xikmad lasiiyana hubaal waxaa lasiiyey khayr badan, laakin qofka ma xasuusto ila dadka caqliga u saaxibka ah mooyee”. Aayadan markaan fiirino waxaan ku soo koobi karnaa in:
- Xikmadu u taagantahy aqoon, iyo awooda qofka uleeyahy inuu kala saaro waxa wanaagsan iyo waxaa xun. Aqoonta waxaan kala jeednaa fahamka Quraanka iyo sunada. Iyo sidoo kale awooda qofka ee inuu si wanaagsan u hadlo una dhaqmo qaab wanaagsan.
- Qof Kasta oo Alle xikmad siiya ma raaci doono wadada maan-gaabnimo ee Shaydaanka qofka tuso, balse wuxuu raacayaa wadada toosan ee Allaah SWC. Waayo qofka Alle xikmada siiya waa qof aqoon leh, aragti fog leh, meel dheer wax ka arka, ma ahan qof indhaw-arag ah, waa indheer-arag. Sidaa darteed shaydaanka wadadiisa kuma sirmo. Majiro qof macsuum ah laakiin waa qof qoto dheer leh qofka Alle xikmad siiya.
- Dadka Alle siiya xikmada dhabta ah, waxay maalkoodii ku bixiyaan wadada toosan si deeqsinimo leh marka laga reebo inta ay u baahan yihiin mana ku taqrifalaan.
- Qofka caqliga leh waa qofka sida ugu fiican uga faa’idaysta noloshaan gaaban waqtigiisana ku maalgashta siduu u liibaani lahaa uguna raaxaysan lahaa nolosha waarta ee aakhiro xitaa qofka hadii uu haysto wax yar oo hanti ah.
- Alle SWC wuxuu aayadaas ku sheegay in waanada dad kooban xusuusan doonan dad yarna fahmi doonan oo leh maskax fiyoow.
Waa Maxay Faa’idooyinka Xikmada?
Faa’idooyinka xikmadaha waxa ka mid ah inay tahay:
- Wado aad Alle ku garato SWC, kula xiriirto, uguna dhawaato
- Waa sumada Nabiyadeena\Nabigeena suuban (NNKH), culimada, iyo dhamaan dadka wanaagsan ee ducaada ah
- Wuxuu Alle ka dhigaa qofka xikamada lasiiyey qof hadalka asiiba, hadalkii toosan, camalkiisana wanaagsan tahay
- Qofka waxay siisaa darajo, sharaf, iyo martabad dheeri ah
- Xikmadu waxay cadayn utahay in qofka caqligiisu dhameystiran yahay
- Qofka saaxiibka la ah xikmadu waxay ugu yeertaa qabashada camal wanaagsan, ku hadlida hadalo wanaagsan oo shareecada Islaamkana waa faqsan, fikir saliim ah, hanuun iyo indheer-arag (qof meel fog wax ka arka).
- Waxay qofka ka dhowrtaa inuu waxbaayo xun xun ku kaco, ama ku hadlo
- Waxay qofka ka dhigeysaa qof dadka dhan wada jecelyihiin, qof wayn iyo qof yarba wax ka bartaan, waxayna qofka ka dhigeysa isha khayrka oo idil Ilaahay idinkii
- Xikmadu waxaly toosisay hab nololeedka umadda muslimka ah
- Xikmadu waxay naga dhigtaa kuwa ilaaliya shucuurta kuwa kale
1 comment on " Xikmada iyo Quraanka!"