Maxaa Sababa Yool Dejin La’aanta ?
Dhamaanteena waxaan leenahay hadaf(yool) aan rabno inaan gaarno balse badanaa waxaa dhacda in badankeena ku guul dareysano inan ka miro dhalino gaarista waxaan doonayno mustaqbalka dhow iyo kan fog intuba. Badankeena waxaa nahay dad badankood dhameystay heerka 1-aad ee Jaamacada, waxaan sheeganaa inaan aqoon leenahay balse maxaa kalifay inan ka guul gaari wayno waxaan rabno oo kamid yihiin waxyaabo sahlan sida inaad 1 buug akhrin waydo, 1 koorso oo aad aalada internet-ka ka baran wayso, iwm. Inta aan ka hadlin yool-dejin la’aanta waxyaabaha sababa aan fiirino waa maxay goal setting (yool-dejin)?
Yool-dejinta waa qofka oo qaada talaaboyin wax ku ool ah oo uu ku gaarayo natiijada uu rabo inuu gaaro. Yoolku wuxuu noqon karaa mid fog iyo mid dhow. Tusaale, hadaad rabto inaad luuqada Englishka barato waa hadaf. Inaad iskuul luuqada lagu barto aad tagto, inaad wax akhriso oo aad dadaashana waa talaaboyinka aad ku gaari lahayd barashada luuqada English-ka. Tusaale kale, hadii aad rabto inaad gaarto xornimo dhaqaale (isku filnaansho maaliyadeed) waa hadaf aad degsatid. Ka waran hadii aad qorshihii aad ku gaari lahayd iyo talaabooyinkii aad ku gaari lahayd dejiso taas waxay noqonaysaa habka yool-dejinta. Muhiimadaydu waqtigaan ma ahan qofka wuxuu degsaday maku guuleystay taas waa mowduuc kale. Habkaas waxaa la dhahaa yool-dejin (goal setting).
Maxaa sababa inaan Hadafba yeelan wayno?
Qoraaga caanka ah ee Brian Tracy wuxuu qabaa in ay jiraan 4 sababood dadka ku kalifta inay yool-degsan waayan. Waxayna kala yihiin..
Dadku Waxay U Maleeyaan In Yool Dejintu Aysan Muhiim Ahayn
Sababta 1-aad ee ugu horeysa ee dadka aan yool udgesanin waxaa waaye in dadak badankooda aysan dareensaneen muhiimada ay leedahay in yool la degsado. Hadii aad ku barbaarto guri aan dadku yool lahayn ama yool-dejin looga hadlayn waxaa hubaal ah inaad barbaari doontid adoon ogayn muhiimada ay leedahay yool-dejinta iyo saameynta nolshaada ku yeelan karto. Fiiri xareerahaaga oo eeg asxaabtaada iyo qaraabadaada. Yaa leh yool cad oo uu rabo inuu ka miro dhaliyo?
Dadku Ma Garanayaan Sida Yool Loo Degsado
Sababta 2-aad ee dadka yool u degsanin waa in aysan garanayn sida yool loo degsado. Kaba sii daran, dadka qaar waxayba moodaan in ay yool udegsan yahay waxa kaliya ay hayaan ayaa ah rajo (wishes) ama riyooyin (dreams) sida inad noqoto qof faraxsan, inaad lacag badan sameyso iyo inaad nolol qurux badan kula noolaato qoyskaaga. Laakin kuwaas ma ahaan yool ama ahdaaf ee waa riyooyin iyo rajooyin uu qofka leeyahy oo melna ku qorneyn. Yool waa wax cad oo qoran sifududna qofkale ula wadaagi kartid. Yool-dejinta laguma dhigo Jaamacadaha iyo Iskuulada waana waxaa ugu badan ee goaamin karo guusha qofka. Hadii aadan waligaa maqal yool-dejin ilaa aad ka waynaatay ogoow inaadan dareemi Karin muhiimada ay uleedahay waxaan sameyno.
Waxaan Ka Cabsanaa Guuladara
Dadku yool ma degsadaan sababtoo ah waxay ka baqaan inay guul dareystaan. Guul daradu way xanuun badantahay. Sidaas awgeed dadka badankood waxay ka fakaraan inay qalad galaan oo ay guul dareysataan sidaasna aysan yool udegsanin.
Waxaan Qabnaa Cabsida Diidmada
Sababta 4-aad ee dadku aysan yool udgesan ayaa ah inan ka baqayno diidmada; waxaan ka baqaynaa hadaan yool degsano oon guuldareysano waxay dadka kale na dhihi lahaayeen ama dadku nagu cambaareyn dooanan. Tani waa sababta loo dhaho ahdaafta aad leedahay ha noqdaan kuwa qarsoodi ah si cabsidaan ay meesha uga baxdo kadibna aad si xor ah aad yoolasha udegsato. Qofna ha u sheegin.
Gunaanad
Si aad awoodada u isticmaasho wax badana u gaartid, waxaa qasab ah inaad caado joogto ah ka dhigato yool dejinta. Maanta laga bilaabo waa inad noqotaa qof yool leh ogna meesha usocdo iyo wuxuu hiigsanayo. Majirto cid kuu balan qaadayso inaad ku noolato nolol qurux badan caafimad leh, farxad ku dheexan marka laga reebo waxaa aad ku daadasho. Ku dadaal waxaa aad rabto oo kamiro dhali. Inaad degsato yool cad waxay kaa caawin doontaa inaad awoodaada banaanka usoo saarto taaso kuu horseedi karto guushada gaar ahaaneed iyo midada shaqo. Ahdaaf cad oo aad yeelato waxay sidoo kale kaa caawin doonta inaad caqabadaha jiro aad ka gudubto yeelatidna guulo aan xadidnayn mustaqbalka InshaAllah.
NB. Qoraalkan waxan kasoo turjumay Buuga layiraahdo “GOALS” ee uu leeyahy ama uu qoray Mr. Brian Tracy. Author-ka buuga waa qoraa iyo dhiirigaliye. Buuga akhris ayaan ku wadaaa markaan dhameeyana waan soo koobi doona InshaaAllaah. Sidoo kale fadlan booqo qoraaladayda kale.
Mahadsanid.
Mahadsanid
Abdullahi ibrahim